Wasiiradda Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Koonfur Galbeed, Marwo Shamso Maxamed Yarow, ayaa Maanta Baarmanka horgeysay Xeerka Mamnuucidda Gudniinka fircooniga Kaasi oo ay soo diyaarisey Wasaaradda .
Wasiiraddu waxay xildhibaanada ka codsatay in sharcigan muhiimka ah lagu fuliyo habraaca ansixinta Baarlamaanka, si uu u noqdo xeer rasmi ah oo lagu sugo xuquuqda, caafimaadka iyo badbaadada gabdhaha iyo haweenka.
Sidoo kale, Wasiiraddu waxay si rasmi ah sharciga ugu wareejisay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka, Xildhibaanad Bishaaro Cali Nuur, si guddigu u guda galo falanqaynta iyo warbixinta ku aaddan xeerka ka hor inta aan loo gudbin cod u qaadis kulamada soo socoda .
























