Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabatay shir muhiim ah oo lagu gorfeeynayey “Fududeynta madal lagu falanqeeyo siyaasadaha, xeerarka iyo qorshayaasha dowladda, si ay ururrada bulshada rayidka iyo go’aan-qaadayaasha siyaasadeed ugu doodaan una dhiibtaan aragtiyadooda.”
Shirkan ayaa ah qayb ka mid ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaraddu ugu jirto xoojinta ka-qaybgalka bulshada, kor u qaadista hufnaanta siyaasadeed, iyo dhiirrigelinta wadashaqeynta dhex marta dowlad-goboleedka iyo bulshada rayidka.
Ujeedku waa in la abuuro hannaan furan oo wada-tashi, si bulshada, haweenka iyo dhallinyaraduba ay door muuqda uga qaataan qaabka loo dejinayo siyaasadaha horumarinta ee Koonfur Galbeed.



















