Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Koonfur Galbeed, Marwo Shamso Maxamed Yarow, ayaa maanta ka qeyb gashay kulanka Golaha Wakiilada oo looga doodey Akhrinta 2-aad ee Xeerka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga.
Intii uu socday kulanka, Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa si qoto dheer uga dooday Xeerka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga ee ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka. Waxay Xildhibaanadu soo bandhigeen talooyin iyo su’aalo muhiim ah oo la xiriira xeerka, kuwaas oo Wasiir Shamso mid mid uga jawaabtay, iyadoo sharaxaad dheeraad ah ka bixisay qodobbada muhiimka ah ee xeerku xambaarsan yahay.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa soo xiray Kalfadhiga 9-aad, Kulankiisa 3-aad ee Golaha, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay sii wadista dadaallada lagu ciribtirayo gudniinka fircooniga iyo ilaalinta xuquuqda haweenka iyo gabdhaha.
















