Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay tababar ku saabsan hirgelinta Qorshaha Qaranka ee Caruurta, kaas oo loogu talagalay qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Diinsoor.
Tababarkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee Wasaaraddu ku doonayso in kor loogu qaado wacyiga bulshada ee la xiriira xuquuqda caruurta, ilaalintooda, iyo horumarintooda. Waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday maamulka degmada, haween, dhalinyaro, culumaa’udiin, macallimiin, iyo qeybaha kale ee bulshada.
Intii uu socday tababarka, waxaa la is dhaafsaday aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan caqabadaha iyo fursadaha la xiriira hirgelinta Qorshaha Qaranka ee Caruurta, iyadoo lagu soo gabagabeeyay dood furan oo ay ka soo baxeen talooyin wax ku ool ah.
Wasaaradda Haweenka ayaa sheegtay in tababarrada noocan oo kale ah lagu ballaarin doono guud ahaan gobollada Koonfur Galbeed si loo xaqiijiyo in xuquuqda caruurta ay noqoto mas’uuliyad guud oo bulshada wada wadaagto.









