Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdisalam Ibrahim Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray tababar ku saabsan xoojinta ilaalinta xuquuqul insaanka, kaas oo loo qabtay shaqaalaha wasaaradda.

Tababarkan ayaa ujeedkiisu yahay dhismaha iyo kobcinta awoodda shaqaalaha, si loo xoojiyo fahamka, ilaalinta iyo hirgelinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan haweenka, carruurta iyo dadka nugul ee bulshada.

Mudane Cabdisalam Ibrahim Maxamed oo ka hadlay munaasabadda daahfurka ayaa xusay in Wasaaraddu ay mudnaan gaar ah siinayso tayeynta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha, si ay si hufan uga jawaabaan waajibaadka ka saaran ilaalinta xuquuqul insaanka, isla markaana loo helo adeeg cadaalad iyo sinaan ku dhisan.

Sidoo kale, tababarka ayaa diiradda saaraya shuruucda iyo xeerarka la xiriira xuquuqul insaanka, doorka hay’adaha dowladda, iyo hababka lagu xoojin karo la-xisaabtanka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *