Wasiirka Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed Marwo Hon Nasra Aweis Abkow ayaa agab xafiiseed kala wareegtay Hay’adda KASMO-DEV iyo ururka Hiil Bilaan.
Qalab xafiiseedkan ayaa loogu tilagalay in loogu adeego bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed waxayna iskugu jiraan Miisas Kuraas’ dhalo loogu talagalay in shirarka caalamiga ah Aaladda fogaan araga iyo kuwa muhiimka ah loo adeegsado iyo agab kale oo bada badan.
Wasiirka Wasaaradda Haweenka Oo qalabkan la wareegtay ayaa u mahadcelisay dhamaan intii ka qeyb qaadatay waxayna tiri” runtii wasaaradda waxay wadaa dedaalo shacabka wax loogu qabanayo si loo xoojiyo adeegyadda bulshada waa muhiim in la helo agabkii loogu shaqeyn lahaa cid calaala cidii gacan nagu siisay waan u mahadcelineynaa waxaan leeyahay taagyeeradiina waan idiinkaga mahadnaqeynaa.








