Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Bulshada iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Koonfur Galbeed, Marwo Shamso Maxamed Yarow, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagtay xarunta lagu tababaro gabdhaha ee lagu barto xirfadaha kala duwan sida cilaanka, xarqaanka iyo dhar–kariska.

Barnaamijkan oo ay si wadajir ah u fulinayaan Wasaaradda Haweenka iyo Hay’adda World Vision, ayaa ujeedkiisu yahay in gabdhaha lagu baro xirfado ay mustaqbalka ku shaqeysan karaan, isla markaana ka taageeraya inay helaan nolol dhaqaale oo waara.

Wasiir Shamso ayaa ku bogaadisay gabdhaha dadaalka ay ku jiraan iyo sida ay u baranayaan xirfadahan muhiimka ah, iyadoo xustay in barnaamijkani uu ka mid yahay dadaallada Wasaaraddu ku taageerayso haweenka si ay u helaan xirfado ay noloshooda ku maareeyaan.

Qaar ka mid ah gabdhaha ka faa’iideysanaya tababarka ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Haweenka iyo Hay’adda World Vision, iyagoo ku tilmaamay barnaamijka mid fursad weyn u abuuraya haweenka da’da yar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *