Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Dowladda Koonfur Galbeed, Marwo Shamso Maxamed Yarrow, ayaa si rasmi ah dhagax-dhigay dhismaha Xarun Badbaado oo loogu talagalay haweenka iyo gabdhaha deegaanka Kormari ee magaalada Baydhabo, taas oo qayb ka ah mashruuca #GAASHAAN.
Mashruucan waxaa si wadajir ah u hirgelinaya Hay’adda GREDO Somalia iyo Wasaaradda Haweenka Koonfur Galbeed.
Xaruntan badbaadada ah waxay noqon doontaa meel lagu hubiyo amniga iyo karaamada, iyadoo abuureysa deegaan ku habboon haweenka, gabdhaha iyo carruurta, laguna taageerayo adeegyo iyo agab muhiim ah oo kor u qaadaya awoodsiinta bulshada.




