Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabatay Madasha Wadatashiga Aasaaska iyo Xoojinta Wadashaqeynta Ganacsatada iyo Hay’adaha Maaliyadeed.Madashan muhiimka ah waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada, maamulka gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo, ganacsato, bankiyo iyo marti sharaf kale oo ka kala socday qaybaha bulshada.
Ujeeddada madashu waxay ahayd sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadashaqeynta ka dhaxaysa ganacsatada iyo hay’adaha maaliyadeed, iyadoo la abuurayo jawi suuq ganacsi oo dhiirrigeliya horumar dhaqaale iyo maalgashi joogto ah.











