Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Koonfur Galbeed, Marwo Shamso Maxamed Yarow, ayaa maanta magaalada Baydhabo si rasmi ah uga daahfurtey Shirka Howlaha Nabad-dhiska ee Dhaqanka ku Saabsan

Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Koonfur Galbeed, Marwo Shamso Maxamed Yarow, ayaa maanta magaalada Baydhabo si rasmi ah uga daahfurtey Shirka Howlaha Nabad-dhiska ee Dhaqanka ku Saabsan, kaas oo diiradda lagu saaray kor u qaadista hoggaanka haweenka, wada-tashiga dhaqanka iyo xoojinta is-dhexgalka bulshada, si loo helo Koonfur Galbeed nabad iyo ammaan ah.

Shirka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Ururka Haweenka Nabadda, dhalinyaro, culimaa’udiin iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan bulshada rayidka ah.

Bahda Fannaaniinta Onkod Baay ayaa madasha kusoo bandhigay ruwaayado wacyigelin ah oo xooga saaraya ka hortagga iyo joojinta tacaddiyada loo geysto haweenka.

Ugu horreyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka KGS, Madiina Axmed Nuur, ayaa ka hadashay ujeedada shirka iyo muhiimadda uu u leeyahay xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada.

Ugu dambeyn, Wasiir Shamso Maxamed Yarow ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedisay shirka, iyada oo xustay doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin nabad-dhiska, ilaalinta dhaqanka iyo horumarinta bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *