Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabatay munaasabad lagu xusayey Maalinta Carruurta Adduunka, oo sanad kasta la xuso xiligan oo kale.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, Carruur, Haween, Dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo heerar kala duwan leh.
hal-ku-dhigga Xuska sanadkan “U istaag Xuquuqda Carruurta.”
Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Marwo Shamso Maxamed Yarow, ayaa sheegtay in wasaaraddu ay sii xoojin doonto dadaallada lagu taageerayo xuquuqda carruurta, isla markaana ay door muhiim ah ka qaadan doonaan kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku aaddan ilaalinta carruurta.




















