Agaasimaha Siyaasadda & Qorsheynta Ee Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska & Hormarinta Xuquuqul Insaanka Ee Dowladda Konfur Galbeed Soomaaliya, Md. Cabdisalam Ibrahim

Baydhabo, Soomaaliya: Agaasimaha Siyaasadda & Qorsheynta Ee Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska & Hormarinta Xuquuqul Insaanka Ee Dowladda Konfur Galbeed Soomaaliya, Md. Cabdisalam Ibrahim Maxamed ayaa daahfuray Tababar ku sabaabsan ilaainta Caruurta si loogu hortago tacadi, garaacis ama nooc kasta oo tacadi ah oo ugu imaan karo qof shaqaale ama adeeg-bixiye (Qandaraaslayaasha, Waxbarashada, Cadaalada, Amniga Caafimaadka, Hay’adaha Maxaliga & Kuwa Caalamiga – LNGOs & INGOs).
Dhammaan Adeeg-bixiyasha waxaa waajib ah in ay ilaaliyaan caruurta si loogu fogaado tacadi ayago isla markaas lagu kormeeraayo xeerarka & habraacyada u-degsan.

Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska & Hormarinta Xuquuqul Insaanka Dowladda Koonfur Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta caruurta & kor-u-qaadista wada-shaqeynta adeeg-bixiyasha sii loo helo nidaam wada-shaqeyn & isla xisaabtan dhab ah.

                    =DHAMMAAD= 

Website: www.mwhrd.sw.so
Email: media@mwhrd.sw.so
Facebook: www.Facebook.com/MWHRD_SW

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *