MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED OO SHIR GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADDA KOONFUR GALBEED OO LAGU ANSAXIYEY HINDISE SHARCIYEEDKA XUQUUQDA NAAFADA.
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Golaha wasiiradda ay ku ansaxiyeen Hindise sharciyeedka xaquuqda naafada oo ay soo diyaarisey wasaaradda Haweenka Koonfur Galbeed.
Wasiirka Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed Marwo Hon Nasra Aweis Abkow oo shirka ku sugneed ayaa bogaadisay golaha wasiiradda oo maanta ansaxiyey hindise sharciyeedka Xuquuqda naafada.














