Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Koonfur Galbeed

Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Koonfur Galbeed, Marwo Shamso Maxamed Yarow ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ku Daahfurtey Ololaha 16-ka Maalmood ee u ololeynta Ciribtirka Joojinta Tacdiyada loo geysto Haweenka iyo Gabdhaha .

Ololahan oo sanadkan lagu wajahay hal-ku-dhigga: “Jooji Rabshadaha Dijitaalka ah ee ka dhanka ah Dumarka iyo Gabdhaha.”

Munaasabadda furitaanka oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka soo qeyb galay: Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, Haween, Dhallinyaro iyo Marti Sharaf kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Marwo Shamso Maxamed Yarow, ayaa tilmaamtay Dhibaatada iyo Tacadiga loo geysto Dumarka, iyadoo hoosta ka xarriiqday sida ay dowladdu uga go’an tahay in la xoojiyo ilaalinta xuquuqdooda iyo badqabka bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *