WASIIRKA WASARAADDA HAWEENKA KOONFUR GALBEED OO KA QEYBGASHAY XUSKA MAALINTA HAWEENKA ADDUUNKA 2024.

Baydhabo: Maarso/08/3/2024 Wasiirka Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed Marwo Hon Nasra Aweis Abkow ayaa ka qeybgashay Xuska Munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka oo ay soo qaaban qaabisay Wasaaradda Haweenka taasi oo lagu qabtay Baydhabo.

Xuska Maalinta Haweenka Adduunka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir kuxigeenka Wasaraadda Dhalinyaradda, Xildhibaano, malaaqyada dhaqanka, guddoomiyaasha Ururadda Haweenka, dhalinyaradda, ururadda u dooda xuquuqda Haweenka, Hay’adaha k shaqeeya Arrimaha haweenka haweenka 10-ka xaafadood ee Magalaada Baydhabo iyo bulsha aad u fara badan.

Wasiirak Wasaaradda Haweenka Marwo Nasra oo munaasabada ka hadashay ayaa waxay ku dheeraatey muhiimada maalintan ay u leedahay haweenka adduunka si gaar ah Haweenka Koonfur Galbeed iyadoona hambalyo ku aadan maalintan u dirtay guud ahaan haweenka.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃’’

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed.

Email: info@mwhrd.sw.so

Facebook: https://www.facebook.com/profile.php?id=100066678614178&

Twitter: https://x.com/mowfahrd

Website: https://mwhrd.sw.so

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *