Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed Marwo Madina Ahmed Nor oo ay wehliyaan agaasimiyaasha Wasaaraddaha Ganacsiga, iyo Warshadaha iyo agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta , ayaa ka Qeyb galay tababar diirada lagu saarayey iskaashiga hey’adaha Dowlada iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay “Public Private Partnership” kaasi oo lagu qabtay Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.
Tababarkan ayaa fursad u siiyay ka-qaybgalayaasha in ay wadaagaan aqoon iyo waayo-aragnimo ku saabsan habab cusub ee lagu xoojin karo iskaashiga hey’adaha Dowlada , horumarinta arrimaha haweenka ganacsiga, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha horumarinta.
Wixii faah-faahin ah, kala xiriir Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda, ama kala soco bogagga rasmiga ah ee Wasaaraddu ku leedahay baraha bulshada:
Website: www.mwhrd.sw.so
Email: media@mwhrd.sw.so
Facebook: www.Facebook.com/MWHRD_SW



