Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdiraxiin Maxamed Xuseen, ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula wareegaysay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed. Marwo Sahro Cismaan Axmed ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegtay Wasiirkii hore ee Wasaaradda, Marwo Shamso Maxamed Yarow.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay hoolka wasaaradda ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaanno, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Hanti-dhowrka Guud ee Koonfur Galbeed, ururrada haweenka ee gobol iyo degmo, shaqaalaha Wasaaradda iyo marti sharaf kale.
Ugu horreyn, Wasiirkii hore ee Wasaaradda, haddana ah Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada, Marwo Shamso Maxamed Yarow, ayaa sheegtay in Wasaaraddu shaqo wanaagsan ay kasoo qabatay, isla markaana ay diyaar u tahay inay la shaqeyso Wasiirka cusub, iyadoo ku garab istaagi doonta talo iyo wadashaqeyn mar walba.
Ugu dambeyn, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Haweenka, Marwo Sahro Cismaan Axmed, ayaa u mahadcelisay Wasiirkii hore ee Wasaaradda, waxayna ballan qaaday inay shaqaalaha iyo guud ahaan howlaha Wasaaradda kala shaqeyn doonto horumarinta arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka.























