Wasiirka Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed Marwo Zahro Osman Ahmed oo ay wehliyaan
Wasiiradda wasaaradaha Mudane Wasiir Abdulkadir Omar Abdullahi (Baasto) Gargaarka, iyo Maareeynta masiibooyinka Mudane Abdinasir Arush, Tamarta iyo kheyraadka biyaha, shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa kulan kula qaatay Magaalada Nairobi Odile Robert,
Madaxa Xafiiska Iskaashiga Caalamiga ah ee Safaaradda Switzerland u qaabilaan Kenya, Eritrea, Soomaaliya, Uganda iyo shaqaalaha Safaaradda.
Kulanka waxaa looga wada hadlay xaaladda bulshada, baahiyaha ugu muhiimsan iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaannada KGS.
Masuuliyiinta dowladda Koonfur Galbeed ayaa codsaday dowladda Switzerland iney gacan ka geysato si lagu fuliyo Qorshaha Shanta sano ee Horumarinta Koonfur Galbeed.
Safaaradda Switzerland ayaa bogaadisay booqashada, waxayna ku adkaysay iskaashi joogto ah oo lagu taageerayo horumar waara iyo daryeelka bulshada Koonfur Galbeed.
Wixii faah-faahin ah, kala xiriir Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda, ama kala soco bogagga rasmiga ah ee Wasaaraddu ku leedahay baraha bulshada:
Website: www.mwhrd.sw.so
Email: media@mwhrd.sw.so
Facebook: www.Facebook.com/MWHRD_SW
