.Baydhabo- October/27/10/2026. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Armo Maxamed, Xildhibaan Cabdi Cabdow Cabdullaahi iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadda ee Wasaaradda, ahna kusimaha agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdisalaan Ibraahim Maxamed, ayaa si wadajir ah u furay tababar socod doono mudo afar maalin ah oo kusaabsan aqoon-is-weydaarsi dib-u-eegayo, lagu xoojinayo, laguna dhammaystirayo Siyaasadda Ilaalinta Carruurta ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, si loogu gudbiyo ansixinta.Aqoon-is-weydaarsigan waxaa ka qaybgalaya xubno iyo daneeyayaal ka kala socda Wasaaradaha Haweenka, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Cadaaladda iyo Garsoorka, iyo hay’adaha kale ee ay khusayso ilaalinta xuquuqda carruurta.Ugu horreyn, Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka, Mudane Cabdisalaan Ibraahim Maxamed, ayaa ka hadlay muhiimadda uu aqoon-is-weydaarsigu u leeyahay xoojinta ilaalinta carruurta, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo siyaasad mideysan oo hagta dadaallada lagu ilaalinayo xuquuqda, badbaadada iyo daryeelka carruurta.Dhankooda, Xildhibaan Cabdi Cabdow Cabdullaahi iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka, Mudane Maxamed Armo Maxamed, ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in la helo siyaasad dhammaystiran oo lagu xaqiijinayo ilaalinta carruurta, lagagana hortagayo tacaddiyada, dayacaadda iyo xaaladaha kale ee khatar gelin kara noloshooda iyo mustaqbalkooda.Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha dowladda, daneeyayaasha iyo bah-wadaagta kale si loo xoojiyo nidaamyada ilaalinta carruurta, loona hubiyo in xuquuqdooda la dhowro, isla markaana carruurta nugul ay helaan daryeel iyo ilaalin ku filan.Aqoon-is-weydaarsigan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo siyaasadaha ilaalinta carruurta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo siyaasad mideysan oo hagta hay’adaha ay khusayso, xoojisana wada-shaqeynta iyo isla xisaabtanka, si carruurta loo siiyo deegaan ammaan ah oo ay ku koraan, wax ku bartaan, kuna horumariyaan mustaqbalkooda.Wixii faah-faahin ah, kala xiriir Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda, ama kala soco bogagga rasmiga ah ee Wasaaraddu ku leedahay baraha bulshada:🌐 Website: https://Mwhrd.sw.so📧 Email: media@mwhrd.sw.so𝕏 X: https://x.com/mowfahrd📘 Facebook: www.Facebook.com/MWHRD_SW



































