Baraawe: October.Magaalada Baraawe ee Caasimada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay tababar oo ay kaso qeyb galeen bulshda qeybaheda kala duwan oo diiradda lagu saaray Wadahadalka Bulshada ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga (Women, Peace and Security – WPS), ka hortagga iyo wax ka qabashada xadgudubyada iyo kuwa ku saleysan jinsiga, iyo xadgudubyada ee la xiriira colaadaha.Tababarkan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta awoodda bulshada, kor u qaadista fahamka iyo falanqaynta xogta, iyo horumarinta hababka ka hortagga iyo wax ka qabashada xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo kuwa ku saleysan jinsiga (SGBV), gaar ahaan xadgudubyada (CRSV).Sidoo kale, tababarku wuxuu muhiimad siinayaa xoojinta doorka bulshada ee ilaalinta xuquuqda haweenka iyo gabdhaha, dhiirrigelinta nabadda iyo amniga, iyo abuurista jawi ammaan ah oo ay haweenku si buuxda uga qayb qaadan karaan dadaallada nabad-dhiska.Wixii faah-faahin ah, kala xiriir Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda, ama kala soco bogagga rasmiga ah ee Wasaaraddu ku leedahay baraha bulshada:🌐 Website: Www/Mwhrd.sw.so📧 Email: media@mwhrd.sw.so𝕏 X: https://x.com/mowfahrd📘 Facebook: www.Facebook.com/MWHRD_SW













