WASAARADDA HAWEENKA, ARRIMAHA QOYSKA IYO HORUMARINTA XUQUUQDA AADANAHA OO DAAHFURTAY SHABAKADDA HAWEENKA EE NABADDA (WOMEN PEACE NETWORKS)Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Xudur ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku qabatay kulan ku saabsan xoojinta doorka haweenka ee nabad-dhisidda, amniga iyo adkeysiga bulshada.Kulankan oo halku-dhiggiisu yahay “Awood-siinta Haweenka si loo helo Bulsho Adkaysi leh: Isku-xirka Nabadda, Amniga iyo Horumarka” ayaa diiradda lagu saaray wax ka qabashada amni-darrada, barakaca iyo sidii haweenka nugul loogu heli lahaa ka-qaybgal buuxa oo ku aaddan geeddi-socodka nabad-dhisidda.Sidoo kale, kulanka ayaa lagu xoojiyey hoggaaminta haweenka, doorkooda ku aaddan sugidda amniga, xallinta khilaafaadka iyo dhismaha bulsho nabdoon oo isku-duuban.Hindisahan ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Dowladda Koonfur Galbeed iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), iyadoo uu qayb ka yahay Barnaamijka Wadajirka ah ee WPP-II.Wasaaraddu waxay ka go’an tahay xoojinta awoodda haweenka, hubinta in codkooda iyo kaalintoodu ay si muuqata uga dhex muuqdaan dadaallada nabadda, amniga iyo horumarka dalka.Wixii faah-faahin ah, kala xiriir Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda, ama kala soco bogagga rasmiga ah ee Wasaaraddu ku leedahay baraha bulshada:🌐 Website: Www/Mwhrd.sw.so📧 Email: media@mwhrd.sw.so𝕏 X: https://x.com/mowfahrd📘 Facebook: www.Facebook.com/MWHRD_SW










