October/31/10/2026. Wasiir Ku-xigeenada Wasaaradaha Cadaaladda iyo Garsoorka Gaadiidka iyo duulista hawada Dowlada Koonfur Galbeed, Xildhibaan Cabdi Cabdow Cabdullaahi iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadda ee Wasaaradda, ahna kusimaha agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdisalaan Ibraahim Maxamed, ayaa si wadajir ah u soo xiray tababar socdey mudo afar maalin ah oo kusaabsan aqoon-is-weydaarsi dib loogu -eegayo, lagu xoojinayo, laguna dhammaystirayo Siyaasadda Ilaalinta Carruurta ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, si loogu gudbiyo ansixinta.Aqoon-is-weydaarsigan waxaa ka qaybgalay xubno iyo daneeyayaal ka kala socda Wasaaradaha Haweenka, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Cadaaladda iyo Garsoorka, iyo hay’adaha kale ee ay khusayso ilaalinta xuquuqda carruurta.Mudadii tababarkan socdey dhamaan ka qeybgaliyaasha, ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in la helo siyaasad dhammaystiran oo lagu xaqiijinayo ilaalinta carruurta, lagagana hortagayo tacaddiyada, dayacaadda iyo xaaladaha kale ee khatar gelin kara noloshooda iyo mustaqbalkooda.Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha dowladda, daneeyayaasha iyo bah-wadaagta kale si loo xoojiyo nidaamyada ilaalinta carruurta, loona hubiyo in xuquuqdooda la dhowro, isla markaana carruurta nugul ay helaan daryeel iyo ilaalin ku filan.Wixii faah-faahin ah, kala xiriir Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda, ama kala soco bogagga rasmiga ah ee Wasaaraddu ku leedahay baraha bulshada:🌐 Website: https://Mwhrd.sw.so📧 Email: media@mwhrd.sw.so𝕏 X: https://x.com/mowfahrd📘 Facebook: www.Facebook.com/MWHRD_SW






