Muqdisho, 26-ka Oktoobar 2026.Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Marwo Zahro Osman Ahmed, ayaa kulan muhiim ah la qaadatay Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadija Mohamed Al-makhzoumiKulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, dardargelinta howlaha mudnaanta u leh bulshada, iyo horumarinta doorka haweenka ee dhinacyada bulshada, siyaasadda iyo horumarka dalka.Sidoo kale, labada wasiir ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu ilaalinayo laguna horumarinayo xuquuqda aadanaha, arrimaha qoyska iyo horumarinta haweenka, si loo helo bulsho ku dhisan caddaalad, sinnaan iyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, si loo mideeyo qorshayaasha iyo dadaallada loogu adeegayo bulshada, gaar ahaan haweenka, qoysaska iyo dadka u baahan taageerada gaarka ah.Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay adkeynaysaa muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn joogto ah iyo iskaashi wax-ku-ool ah oo horseeda horumar waara iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
