Nairobi, Kenya. 21/10/2026.

Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Koonfur GalbeedZahro Osman Ahmed, ayaa kulan la qaadatay Safiir kuxigeenka Safaaradda Netherlands ee Soomaaliya Marwo Lana Voinov. kulankaas oo diiradda lagu saaray Horumarinta iyo taageerada loo fidiyo haweenka

Marwo Sahra ayaa halkaas uga mahadnaqday dowladda Netherlands gargaarka joogtada ah ee ay siiso Koonfur Galbeed, gaar ahaan dadaallada horumarinta bulshada, gargaarka iyo awoodsiinta haweenka.

Wasiiraddu waxay ka codsatay dowladda Netherlands inay ballaariso taageerada xirfadaha, waxbarashada gabdhaha, caafimaadka hooyada & ilmaha, iyo xoojinta hay’adaha ilaalinta xuquuqda haweenka.

Wasiiradda waxey kaloo xoogga saartay muhiimadda wacyigelinta ka dhanka ah tacadiyada Jinsiga (GBV) iyo Gudniinka Gabdhaha (FGM).

Dhinaceeda, Safaaradda Netherlands ayaa soo dhaweysay kulanka, waxayna dib u xaqiijisay muhiimada dowladeeda ee dhinacyada gargaarka iyo horumarinta haweenka.

Wixii faah-faahin ah, kala xiriir Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda, ama kala soco bogagga rasmiga ah ee Wasaaraddu ku leedahay baraha bulshada:

🌐 Website: www.mwhrd.sw.so

📧 Email: media@mwhrd.sw.so

𝕏 X: https://x.com/mowfahrd

📘 Facebook: www.Facebook.com/MWHRD_SW

See less

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top