Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed ayaa caasimada dowlada Koonfur galbeed ee Baraawe ku qabatay wajigii labaad Ee mashruuca WPP2 oo ay soo qaaban qaabisay Wasaaradda Haweenka.
kulanka rubuc-sanadlaha ah (Q3) ee Shabakadaha Haweenka Nabadda (Women Peace Networks WPN) waa Kulan diiradda lagu saarayo xoojinta doorka haweenka ee nabadda, wadajirka bulshada, iyo ka qaybgalka horumarinta bulshada.
Halku-dhegga kulanka wuxuu ahaa
“Codadka Haweenka ee Maamul Daahfuran iyo Nabad wada Noolaansho iyadoo lagu adkeynayay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista ka qaybgalka bulshada, isu-tanaasulka, iyo ka qeybgalka dhalinyarada ee doodaha nabadda.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu xusay in la sii xoojiyo dadaallada lagu dhiirrigelinayo haweenka si ay u hoggaamiyaan bulshooyin nabad ah, isku-duuban, oo is dhexgal leh.
Wixii faah-faahin ah, kala xiriir Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda, ama kala soco bogagga rasmiga ah ee Wasaaraddu ku leedahay baraha bulshada:
Website: www.mwhrd.sw.so
Email: media@mwhrd.sw.so
Facebook: www.Facebook.com/MWHRD_SW











